Wareerka Islaamka ka haysta Qodbitaanka Ciise Masiix

Wareerka Islaamka ka haysta Qodbitaanka Ciise Masiix

Derik Adams

Eebbe waxa uu Suuradda 4, aayadda 157 ee Qur’aanka ku leeyahay isagoo la hadlaya Yuhuudda iyo Masiixiyiinta:

Iyo hadalkoodii ahaa, anagaa dilnay Masiixa Ciise Ibnu Maryam rasuulkii Eebbe ahaa mayna dilin mana wadhin laakiin loo shabahay (ekeysiiyay), kuwii isku khilaafay Ciise waxay kaga suganyihiin shaki, wax cilmi ahna uma leh oon ahayn raacid male, umana dilin dhab.” (Quraanka Kariimka iyo Tarjumaada Macnihiisa ee Afka Soomaaliga).

Waxa aan go’aansaday inaan hubiyo inuu Eebbe run sheegayo, isla markaasna Umaddiisa Muslimka ahi aanay wax shaki ah ka qabin ka-warqabista waxa dhabta ah ee dhacay islama markaasna khuseeya Ciise Iskutallaabta lagu qodbay. Intaas kasakow, haddii Eebbe aanu Ummaddiisa uugu danbaysa aanu ka dhigi karin kuwo runta huba oo aan arrintan ka shakisanayn, muxuu Yuhuudda iyo Masiixiyiinta uugu dhaleecaynayaa isla waxyaalahan?

Haddaba, aan xoogaa isla eegno wax ku saabsan fikirka Islaamka ee khuseeya waxa dhabta ah ee dhacay qarnigii koobaad.
Aragtida Beddelitaanka
Aragtidan waxa taageersan culimo tiro badan. Waxa aynu haddaba eegi doonnaa saddex ka mida mufasiriinta uugu waaweyn.

Abu Al-Fida, Cimaad Ad-Diin Ismaaciil bin Cumar bin Kathir Al-Qurashi Al-Basrawi (1301-1373), oo ah mufasir caana oo Qur’aanka fasira ayaa waxa uu fasirayaa aayadda 4:157:

Yuhuuddu sidoo kale waxay yidhaahdeen,

Waxaannu dilnay Masiixa Ciise Ibnu Maryam rasuulkii Eebbe” macnehuudu waxa weeyi, waxaannu dilnay qofkii sheegtay inuu yahay Rasuulkii Eebbe. Yuhuuddu waxa ay sidan yidhaahdeen iyagoo jeesjeesaya, sida ay mushrikiintuba u yidhaahdeen,

Kaagan Dikriga (Qur’aanka) lagusoo dejiyow, waad waalantahay!”. Markii Eebbe uu soo diray Ciise isagoo wata calaamooyin iyo hanuun, Yuhuuddu, nacdasha Eebbe iyo cadhadiisibu korkooda ha ahaatee, waxay ka hinaaseen nebinimadiisa iyo mucjisooyinkiisa caddaanka u muuqda sida; bogsiinta indhoolayaasha iyo kuwa baraska qaba iyo inuu dadka dhintay kusoo nooleeyo amarka Eebbe. Sidoo kale wuxuu dhoobada ka samaynayay shimbir muuqaalkeed, dabeetana neef buu ku afuufayay oo waxay amarka Eebbe ku noqonaysay shimbir nool oo duusha. Ciise wuxuu sameeyay mucjisooyin kale oo Eebbe isaga ku sharfay, hase yeeshee Yuhuuddu way ka horyimaaddeen wayna colaadiyeen isaga, oo waxa ay si walba isugu dayeen inay isaga waxyeelleeyaan. Nebiga Eebbe ee Ciise naxariis iyo nabad gelyo korkiisa ha ahaatee, wuxuu awoodi waayay inuu magaalo ku noolaado muddo, waxayna ahayd inuu badanaa la socdaalo hooyadiis, nabad gelyo korkooda ha ahaatee. Sidaas oo ay tahay, Yuhuuddu may qancin, waxayna u tageen boqorkii Dimishiq ee wakhtigaas oo ahaa Giriig isla markaasna caabudi jiray xiddigaha. Waxay isaga u sheegeen inuu jiray nin jooga Beyt Al-Maqdas oo dadka habaabinaya ama hallaynaya isla markaasna kala qaybinaya dadka ku nool Yeruusaalem, isagoo markaasna aloosaya xiisad ka dhan ah boqorka. Boqorkii wuu cadhooday waxaanu masuulkiisii joogay Yeruusaalem u qoray inay xidhaan hoggaamiyahaas fallaagada ah, oo ay xad u dhigaan inuu qalalaase abuuro. Wuxuu u sheegay inay isaga iskutallaabta ku qodbaan oo ay u geliyaan taaj ka samaysan qodxaan. Markii masuulkii boqorka ee Yeruusaalem joogay uu helay amarkan, wuxuu kuwo ka mida Yuhuudda u kaxaystay gurigii uu Ciise deganaa, oo isaguna waxa uu markaas la joogay labo iyo toban, saddex iyo toban ama toddoba iyo toban ka mid ah xertiisa. Maalintaasi waxa ay ahayd Jimce, goor fiidnimo ah. Waxay Ciise ku hareereeyeen gurigii uu ku jiray, oo markii uu ogaaday inay guriga soo gali doonaan isla markaasna ay tahay inuu si dhakhso ah uuga baxo, waxa uu xertiisii ku yidhi, “Kuma ayaa ku deeqaya isaga aniga loo ekaysiiyo, oon u ballanqaadaa inuu Jannada xerow iigu noqdo,” nin dhallinyaro ah ayaana arrintaas oggolaaday, laakiinse Ciise wuxuu arkay da’diisu aad u yartahay. Mar labaad iyo mar saddexaad ayuu haddana su’aashii ku celiyay, markastana ninkaas yar ayaa odhanayay aniga, Ciisena wuxuu yidhi, “Waa hagaag, ninkaas adiguu noqon doonaa.” Haddaba, Eebbe waxa uu ninkii dhallinyarada ahaa u ekaysiiyay Ciise, oo wakhtigaasna waxa guriga saqafkiisa kore ka furmay dalool, Ciisena waxa lagu riday hurdo kaddibna isagoo hurda ayaa xagga samada kor loogu qaaday.

Eebbe wuxuu yidhi, (Xasuuso markuu ku yidhi Eebbe: “Ciisow waan ku oofsan waanan ku koryeeli.”) Markii Ciise la koryeelay, kuwii joogay gurigu waa ay soo baxeen. Markii kuwii guriga ku hareeraysnaana ay arkeen ninkan u eeg Ciise, waxay u maleeyeen inuu yahay Ciise. Dabeetana habeennimadii ayay isagii la baxeen, waxayna ku qodbeen iskutallaabta iyagoo markaasna madaxa u geliyay taaj qodxaan ka samaysan. Yuhuuddu intaas kaddib, waxa ay ku faaneen iyagoo dilay Ciise oo Masiixiyiinta kuwo ka mid ahina waxay rumaysteen sheegashadooda beenta ah, sababtuna waa iyagoo ahaa jaahiliin sabab la’aan wax ku rumaysta. Kuwii haddaba Ciise guriga kula jiray, waxa ay marag ka ahaayeen in isaga samada kor loogu qaaday, halka kuwii kalena ay u maleeyeen in Yuhuuddu ay Ciise isku tallaabta ku kor dileen. Waxa ay xitaa sheegeen in Maryan ay hoos fadhiisatay maydka ninkii iskutallaabta lagu qodbay oo dabeetana ay ka hoos barooratay, waxa kaloo ay sheegeen in ninkaas dhintay uu iyada la hadlay. Waxanoo dhammi haddaba xikmaddiisa awgeed, waxa weeyi itixaan uu Eebbe ku itixaamayo addoomadiisa. Eebbe wuxuu arrintan iyada ah ku sharraxay Qur’aanka Kariimka ah ee uu usoo dhiibay Rasuulkiisa sharafta leh, kaasoo ah mid uu ku xoojiyay mucjisooyin iyo caddaymo aan wax u dhigmaa jirin. Eebbe waa Runsheegaha waxaana weeyi Rabbiga caalamka ee ogsoon waxa sirta ah, waxa qalbiyadu qarsanayaan, waxyaalaha ku qarsoon samada iyo dhulka, waxa dhacay, waxa dhici doona, iyo waxa iman doona marka lagu dhawaaqo.

Waxa uu yidhi Eebbe, “mayna dilin, mana wadhin, laakiin loo shabahay (ekeysiiyay)”, waxa ay tilmaamaysaa qofka ay Yuhuuddu u malaynayeen inuu Ciise yahay. Taasina waa sababta uu intaas dabadeed Eebbe u yidhi,

Kuwii isku khilaafay Ciise waxay kaga suganyihiin shaki, wax cilmi ahna uma leh oon ahayn raacid male.” Waxa ay middani tilmaamaysaa Yuhuudda sheegatay inay dileen Ciise iyo Masiixiyiinta warkooda rumaystay. Dabcan dhammaantood waxa ay ku suganyihiin wareer iyo baadi. Middani waa sababta uu Eebbe u yidhi,

Umana dilin dhab.” Macneheeduna waxa weeyi iyagoon hubin in Ciise uu yahay qofka ay dileen. Balse, waxa ay arrintan kaga suganyihiin shaki iyo wareer.
Saas ma aha ee waxaa u koryeelay xaggiisa Eebbe, Ilaahayna waa adkaade falsan.” Macneheedu waa, Eebbe waa Qaadir, mana aha mid daciif ah, kuwa isaga magan-galaana weligood ma dulloobaan.

Isaga ayaa Eebbe waxa uu rabo sameeya oo makhluuqaadkiisana awoodda siiya. Dabcan, Eebbe wuu xikmad badanyahay, cid u dhigantaana majirto waxaana weeyi kan awoodda ugu sarreysa iska leh. Ibnu Abi Xaatim ayaa sheegay in Ibnu Cabbaas uu yidhi, “Kahor intii Ciise aan samada kor loogu qaadin, wuxuu u tegay xeriitiisii, oo ahaa labo iyo toban ku jiray guriga. Markii uu yimid, waxa timihiisa ka tifiq lahaa biyo waxaanu yidhi, waxa idinka mid ah mid aniga I inkiri doona labo iyo toban jeer intuu I rumaysteen dabadeed. Kaddibna wuxuu iyaga su’aalay, kumaa ku deeqaya inuu aniga araggayga qaato oo aniga beddelkayga dhiman doona. Kaasi wuxuu igula jiri doonaa Jannada. Mid ka mida dhallinyarada kuwii ugu yaryaraa ayaa arrintaas oggolaaday, oo Ciisena wuxuu isaga ka dalbaday inuu fadhiisto. Ciise wuxuu haddana markale ku celiyay su’aashii, oo haddana ninkii yaraa ayaa gacanta taagay oo Ciise wuxuu ka dalbaday inuu fadhiisto. Haddana kii yaraa markale ayuu arrintaas dalbaday, oo Ciisena wuxuu ku yidhi, ‘waxaad noqon doontaa ninkaas,’ dabeetana muuqaalkii Ciise waxa qaatay ninkaas, oo Ciisena kor loogu qaaday samada isagoo ka dhex baxay dalool guriga saqafkiisa sare ah. Markii Yuhuuddu ay yimaaddeen iyagoo raadinaya Ciise, waxay heleen ninkaas dhallinyarada ah oo dabeetana iskutallaabta ayay ku qodbeen. Kuwo ka mida xertii Ciise ayaa isaga dafiray labo iyo toban jeer intii ay isaga rumaysteen dabadeed. Kaddibna waxa ay u qaybsameen saddex kooxood. Kooxi waa, Al-Yacquubiyah, waxayna yidhaahdeen, ‘Eebbe wuu inala joogay intuu rabay oo kaddibna samaduu aaday.’ Koox kalena waa, An-Nasturiyah, waxayna yidhaahdeen, ‘Wiilkii Eebbe wuu inala joogay intuu rabay kaddibna Ilaahbaa samada u qaaday.’ Kooxda kalena waa, Muslimiin, waxayna yidhaahdeen, ‘addoonkii iyo Rasuulkii Ilaah wuxuu inala joogay intii doonista Eebbe ahayd, dabeetana Ilaahbaa isaga kaxaystay.’ Labadii kooxood ee rumaysadka aan lahayni waxay isu bahaysteen kooxdii Muslimka ahayd, waanay laayeen iyaga. Lagasoo bilaabo wakhtigaas, Islaamku muu jirin ilaa Ilaah uu kasoo diray Muxammad.” Odhaahdani ama weedhahani waa silsilad saxiix ah oo lagasoo wariyay Ibnu Cabbaas, oo An-Nisaa’i ayaa kasoo warinaya Abu Qurayb oo kasoo wariyay Abu Mucaawiyah. Kuwo badan oo culumadii Salafka ka mid ah ayaa iyaguna sheegay in Ciise uu dalbaday cid is-xilqaanta oo beddelkiisa gasha isla markaasna la dilo halkii Ciise laga dili lahaa, iyada oo qofkaasina uu noqon doono mid Ciise kula saaxiiba Jannada. (Tafsiirka Ibnu Kathiir ee 4:157).

Tafsiirka al-Jalalayn waxa weeyi mid ka mida tafsiirrada uugu wanaagsan marka la eego fasiraadda Qur’aanka. Waxa allifay labada ‘Jalaal’—Jalaal al-Maxalli (d. 864 ah / 1459 ce) iyo ardaygiisii Jalal al-Diin al-Suyuudi (d. 911 ah / 1505 ce). Tafsiirka al-Jalaalayn waxa guud ahaan lagu tiriyaa mid ka mida tafsiirrada Qur’aanka ee uugu wanaagsan maxaa yeelay qaabkiisu wuu fududyahay waana isku hal kitaab oo keliya. Markii ugu horreysayna Tafsiirka al-Jalaalayn waxa si heersarreysa loogu tarjumay afka Ingiriisiga, waxaana tarjumay Dr. Feras Hamza.

Fasiraadda al-Jalaalayn ee 4:157

Iyo hadalkoodii ahaa, anagaa dilnay Masiixa Ciise Ibnu Maryam rasuulkii Eebbe ahaa: Si kale haddii loo yidhaahdo, sababahaas awgood ayaannu iyaga u ciqaabnay. Eebbe subxaanahu wa tacaalaaye, waxa uu leeyahay, isaga oo burinaya hadalkooda ah inay Ciise dileen: Mayna dilin mana wadhin laakiin loo shabahay (ekeysiiyay).Marka la fasiro, Ilaah wuxuu ekaanshihii Ciise siiyay ninkii kale sidaas darteedna iyagu waxa ay maleeyeen inuu Ciise yahay. Kuwii isku khilaafay Ciise waxay kaga suganyihiin shaki, oo qaarkood waxa ay yidhaahdeen markii ay arkeen ninka la deldelay: wejigu waa wejigii Ciise, laakiinse jidhku maaha jidhkiisii, sidaas darteed isagii maaha; kuwo kalena waxay yidhaahdeen: maya, waa isagii. Wax cilmi ahna uma leh oon ahayn raacid male,(الااتباع الطن), waxa weeyi: taas beddelkeeda, waxa ay raaceen malaha ay isaga ka qabeen oo ahaa inay isaga arkeen; umana dilin dhab (يقينا), dhab ahaan umayna dilin, waxayna tani adkaynaysaa diiditaanka deldelitaanka Ciise. (Fasiraadda al-Jalaalayn ee 4:157).

Tafsiirka Ibnu Cabbaas waxa loo tiiriyaa saxaabigii Cabdullaahi Ibnu Cabbaas (d. 68/687) iyo Muxammad ibnu Yacquub al- Firuzabadi (d. 817/1414), Tanwîr al-Miqbâs waxa weeyi mid ka mida maraajicida asaasiga u ah fahanka bii’ada ku hareeraysnayd soo daahiristii fasiraadda Qur’aanka. Marka laga tago qoraago kitaabkan oon la hubin cidda uu yahay iyo xaqiiqada is khilaafsan ee ku saabsan Israa’iiliyiinta, Tanwîr al-Miqbâs waxa uu akhristayaasha siinayaa fahan qiimo leh oo ku saabsan aragtiyaha caanka ah ee u dhexeeyay Islaamka, Yuhuudda iyo Masiixiyadda wakhtiyadii uugu horreeyay ee fasiraadda Qur’aanka.

Fasiraadda Ibnu Cabbaas ee 4:157

(Iyo hadalkoodii ahaa, anagaa dilnay Masiixa Ciise Ibnu Maryam rasuulkii Eebbe ahaa) Eebbe wuxuu baabi’iyay mid iyaga ka mida oo la odhan jiray Tatianos. (Mayna dilin mana wadhin laakiin loo shabahay (ekeysiiyay)). Eebbe wuxuu Tatianos u ekaysiiyay Ciise oo iyaguna Ciise beddelkiisa isagay dileen; ( kuwii isku khilaafay) waxa arrintaas Ciise ku saabsan (waxay kaga suganyihiin shaki) dilkiisa ayay ka shakisanyihiin; (wax cilmi ahna uma leh oon ahayn raacid male) xitaa malena ku dhehoo; (umana dilin dhab) waxa hubaal ah iyagoon isaga dilin. (Fasiraadda Ibnu Cabbaas ee 4:157).

Sida lagu tilmaamay meelkasta oo ah Jawaabsiinta Islaamka (Answering-Islam), waxa jira khilaaf ku saabsan cidda beddeshay Masiixa:

“1. Ilaah waxa uu sameeyay qof Ciise u eeg oo dhintay beddelkii Masiixa. Middan waxa loo yaqaannaa aragtidada beddelitaanka, laakiinse fasiraaddan waxa caqabadaynaya dhibaatooyin badan. Ugu horrayn, kumaa loo ekaysiiyay Ciise? Muslimiintu iskumay waafaqsanayn:

  1. Qaar waxay yidhaahdeen wuxuu ahaa Yuudas.

  2. Kuwo kale waxay yidhaahdeen wuxuu ahaa mid ka mida xertii Ciise.

  3. Kuwo kalena waxay yidhaahdeen wuxuu ahaa askari Roomaan ah oo la odhan jiray Titawus. ”

Aragtida Miyir-beelka

2. Ciise waxa lagu qodbay isku tallaabta laakiinse muu dhimannin. Wuxuu ku miyir-beelay iskutallaabta korkeeda markii danbena miyirkiisii ayaa usoo laabtay. Inkasta oo aragtida miyir-beelka badanaa ay qaataan jamaacada Axmediyada iyo Umadda Islaamka oo ah kooxo lagu tiriyo bidcoolayaal, sidoo kale waxa iyana jirta in kuwo ka mida Muslimka Sunniga xagta jiraa ay aragtidan dhaqan geliyeen. Muslimka Sunniga ah ee uugu caansan isla markaasna arrigtadan ujeeddooyin weerar ahaaneed dartood u raacay waxa weeyi Axmed Deedaat.

Akbaralli Meheralli ayaa isna wuxuu go’aansaday inuu raaco aragtidan (Article 1, Article 2). Meheralli sidoo kale intaas wuu kasii badinayaa isagoo diidaya aragtida beddelitaanka.

Shabir Ally oo difaaca Islaamka ayaa isku dayay inuu difaaco aragtidan (aan ku daro isagoon ku guulaysanin xoogaa) mar uu kula doodayay Dr. William Lane Craig, “Miyuu Ciisihii reer Naaseret Jidh ahaan uuga Sarakacay Dhimashada?”, oo la qabtay Isniin, Maarso 4, 2003 kana dhacday Jaamacadda Toronto. Markii difaacaha Masiixiyadda oo la yidhaahdo Tony Costa jr. uu Ally weydiiyay sababta uu u taageerayo aragtiga Axmediyada ee miyir-beelka, maadaama oo Muslimka asal-raaca ahi aragtidan kasoo qaadaan bidco, waxa uu Ally ku jaabay:
…Halka Muslimiinta Sunniga ah ka rumaysanyihiin in Ciise uu soo laaban doono marlabaad iyada oo arrintaasna ay caddaynayaan xadiisyo badan oo saxiix ah lagana soo weriyay nebi Muxamed, iyada oo axaadiistaasina ay ku suganyihiin saxiixaynka Bukhaari iyo Muslim, Axmediyadu waxa ay rumaysanyihiin in Ciise aanu soo laaban doonin marlabaad maxaa yeelay hore ayuu u yimid isagoo ah shakhsiga asaasay kooxdaas ama jamaacadaas. Anigu waxaan rumaysanahay in Ciise uu soo laaban doono markale.
Waxa ay u muuqataa haddaba in aan imika isku jiidhayno arrinta ah Ciise oo ka badbaadaya ku dhimashada iskutallaabta korkeeda. Waxaan eegay xadiisyada ay badanaa raacaan Muslimka Sunniga ahi, waxaanan fahmayaa inuu jiro qof Ciise ku beddelay iskutallaabta korkeeda, sidoo kale waxaan arkay inkastoo ay jiraan xadiisyo kala duwani, mufasiriintu iskuma waafiqi karaan waxa dhacay iyo sida beddelkaas loo sameeyay. Waxa ay u muuqataa in ay raacayaan xadiisyo asalkoodu u noqonayo Ciraaq, sida uu sheegayo baadhitaan wanaagsan oo uu Neal Robinson oo imika Muslim ahi ku sameeyay kitaabkiisa la yidhaahdo Masiixa Islaamka iyo Masiixiyadda (Christ in Islam and Christianity). Marka la eego Qur’aanka laftiisa, oo isagu fasirka uugu fiican isa siinaya, waxa aynu arkaynaa isaga oo Qur’aanku kusoo koobaya ‘wamaa qataluuhu yaqiinan,’ “umana dilin dhab”, ‘bal rafacahullaahu ilayhi,’ “saas maaha ee waxaa u koryeelay xaggiisa Eebbe.” Waxa aan tan u qaatay in ay tahay soo koobitaanka gebi ahaanba hadalka ku saabsan waxa Ciise ku dhacay. Waxa jiray qorshe ahaa in isaga la dilo laakiinse may dilin iskutallaabtana kumay qodbin, waxay ku qodbeen iskutallaabta iyagoo u maleeyay inay dileen. Waxa sidan u fasiraya Tafsiir-ul-Qur’aan oo uu leeyahay Abdul Majid Daryabadi, waana tafsiirka Qur’aanka oo Sunni ah. Markaa waxaan si fiican uugu taaganahay booskayga ismanaan beddelin, laakiin laga yaabaa xagga fasiraadaha.

Aragtida Sheekada Khiyaaliga ah

3. Kuqodbitaanka iskutallaabtu maba aanu dhicin laakiin waxa uu ay ahayd sheeko khiyaaliya oo wakhti danbe la sameeyay. Waxa sidan qaba Muxammad Asad:

Haddaba, Qur’aanku waxa uu diidayaa sheekada ku saabsan Ciise oo iskutallaabta lagu qodbay. Waxa Muslimiinta dhexdooda ka jirtay sheeko khiyaali ah oo sheegaysa in kama danbaystii Eebbe uu Ciise ku bedelay shakhsi isaga u eeg (maraajicda qaar waxay sheegayaan, in shakhsigaasi ahaa Yuudas), oo isaga beddelkiisa iskutallaabta lagu qodbay. Si kastaba ha ahaatee, sheekooyinkan khiyaaliga ah midina taageero kama haysato Qur’aanka iyo axaadiista saxiixa ah toona, sheekooyinka arrintan la xidhiidha ee mufasiriinta hore qoreenna waa in la diido. Waxa ay ka hadlayaan oo keliya iskuday ah ‘isu-dheellitirka’ Qur’aanka oo ka hadlaya in Ciise aan lagu qodbin calaamad ku sugan Injiillada oo ku saabsan iskutallaab kuqodbitaankiisa. Qisada iskutallaab kuqodbista ee sidaas ah waxa si kooban loogu sharraxay aayadda Qur’aanka ah ee odhanaysa, ‘walaakin shubbiha lahum’, taasoo aan odhan karo “waxa ay uula muuqatay iyaga inay sidaas ahayd”- waxa ay taasi ka dhigantahay in muddo kaddib, wakhti dheer Ciise dabadiis, waxa soo if-baxday sheekadan khiyaaliga ah (laga yaabaa xilligii saamaynta xooggan ee Mitharaistic-gu waxay rumaysnaayeen inay timid) iyada oo la odhanayo wuxuu ku dhintay iskutallaabta korkeeda si uu kafaaro-gud uugu noqdo ‘denbiga asalka ah’ oo cusleeyay dhibaatana ku haya aadanaha; sheekadan khiyaaliga ahinay waxay ka dhex abuurantay kuwii wakhtiyadii danbe Ciise raacay iyada oo xitaa cadaawayaashiisii, oo ahaa Yuhuuddu, ay bilaabeen inay rumaystaan arrintan- inkastoo ay ahayd dhimasho liidata (waayo wakhtiyadaas, iskutallaabta waxa ciqaab ahaan loogu dili jiray denbiilayaasha uugu hooseeya). Sida aan u arko, tani sharraxaadda keliya ee ku habboon weeddha ah ah ‘walaakin shubbiha lahum’, marka ay sidaas tahayna, shubbiha lii waxa ay u dhigantaa khuyila lii, “waxbaan maleeyay”, tusaale ahaan, “xagga maankayga” – si kale marka loo yidhaana waa, “way iila muuqatay” (eeg Qamas, art. khayala, sido kale Lane II, 833, iyo IV, 1500). (p. 134, fn. 171; weynaynta farta iyo hoos ka xarriiqista anagaa samaynay)

Aragtida Dhimashada Dabiiciga ah
Moiz Amjad boggiisa Understanding-Islam waxa uu ku difaacayaa aragtidiida ah in Qur’aanku uu barayo iyadoo Ciise dabiici ahaan u dhinty.

Axaadiista (Xadiisyada)

Ugu danbayntii waxa dhici karta in dadka qaar ay layaab ku noqoto iyadoo kuwa uugu muhiimsasn diiwaanka xadiisyada oo ay ka mid yihiin kuwa saxiixa ah, sida Saxiixul Bukhaari iyo Saxiixul Muslim, in ay gebi ahaanba ka aamusayaan arrintan ku saabsan Qodbitaanka.

Dhibaatooyinka oo Kooban:

  1. Muslimiinta aqbalsan aragtida beddelitaanku iskuma waafiqi karaan “kan” lagu beddelay cidda uu ahaa. Kuwo ka mida mufasiriinta Islaamka ee aqbalsan aragtida beddelitaanku waxa ay ka aamusayaan cidda beddeshay Ciise (waxay I xasuusinaysaa iyadoon “aqoon la hubo loo lahayn”).

  2. Qisooyinka beddelitaanka dhammaantood la iskuma waafaqsana; faahfaahintoodu way kala geddisantahay, waxaanay u muuqataa in aan mufasiriintu isku waafaqsanayn xaqiiqooyinka dhabta ah ee qisadan.

  3. Qarniyadii hore ee Islaamku waxa aad mooddaa in uu aad uuga aamusayo arrintan, xitaa axaadiista Imaam Bukhaari iyo Imaam Muslim waxay ka aamusayaan arrinta Kuqodbitaanka iskutallaabta.

  4. Muslimiinta qaarkood waxay rumaysanyihiin in Ciise iskutallaabta lagu qodbay laakiinse wuxuu ka badbaaday dhimashadii waxaanu Eebbe isaga kor uugu qaaday samada. Waxa sidan oo kale qaba Aragtida Miyir-Beelka.

  5. Muslimiinta qaarkood waxa ay aaminsanyihiin in Ciise gebi ahaanba aan iskutallaabta lagu qodbin, balse uu dhintay dhimasho dabiici ah, waxaana dhintay qof kale oon isaga ahayn.

  6. Muslimka kuwo ka mid ahi waxay rumaysanyihiin in aanu jirin qof gaara oo iskutallaabta lagu qodbay, ha ahaado Ciise iyo koobiggiisa toona ee, waxayna rumaysanyihiin in qisadan ay mardanbe Yuhuuddu samaysteen.

  7. Culimadii hore ee Islaamka iyo kuwa hadda joogaaba waxa ay ku qaybsanyihiin arrintan. Maantadan la joogana ma jirto aragti arrintan khusaysa oo ay ku midaysanyihiin Umadda Alle.

Gunaanadka

Waxa labo-wejiilanimo ah in Yuhuudda iyo Masiixiyiinta lagu eedeeyo iyagoon male mooyee wax kale aan haynin, taas cilmo saxa looma laha gaar ahaan marka aan caddayn rasmi ah lasoo bandhigin. In aan lasoo bandhigin caddaymo muuqda oo ku saabsan wixii dhab ahaan u dhacay waxa ay u muuqataa caqli-darro, iyada oo taasina Muslimiinta ku kallifaysa in ay samaystaan fikirradooda iyo fasiraaddooda u gaarka ah ee ku saabsan wixii dhacay. Intaas oo dhan waxa dheer oo is-burinaysa in koox dad ah lagu eedeeyo inay ku suganyihiin male iyada oo Ummaddaadu ay isla sidan oo kale samaynayso!

Taariikhyahankii Muslimka ahaa ee qarnigii 9aad Al-Dabari:
“Xaqiiqadii, culumadii hore ee Muslimka waxa si weyn u wareeriyay oo ay ku qaybsameen sidii ay ahaayeen maalmihii uugu danbeeyay ee Ciise. Culimadii hore iskumay waafiqin Ciise siduu ku danbeeyay, culimada qaarkood waxay rumaysnaayeen in Masiixu uu dhintay kuwa kalena waxa ay sheeganayeen in isaga Ilaah si toosa kor samada uugu qaaday isagoon dhimanin. Tusaale ka mida culimadii Islaamka ee hore oo qabay fikir ka duwan kan Muslimiinta badankoodu maanta aaminsanyihiin, waxa uu ahaa Abu Ja'far Muhammad b. Jarir al-Tabari (839-923).” Maqaalkani wuxuu ka hadlayaa aragtida Al-Dabari iyo aragtidiisa ah in Ciise iskutallaabta lagu qodbay kaddibna samada loo qaaday.

Axaadiista (Xadiisyada)

Ugu danbayntii waxa dhici karta in dadka qaar ay layaab ku noqoto iyadoo kuwa uugu muhiimsasn diiwaanka xadiisyada oo ay ka mid yihiin kuwa saxiixa ah, sida Saxiixul Bukhaari iyo Saxiixul Muslim, in ay gebi ahaanba ka aamusayaan arrintan ku saabsan Qodbitaanka.

Dhibaatooyinka oo Kooban:

     

    • Muslimiinta aqbalsan aragtida beddelitaanku iskuma waafiqi karaan “kan” lagu beddelay cidda uu ahaa. Kuwo ka mida mufasiriinta Islaamka ee aqbalsan aragtida beddelitaanku waxa ay ka aamusayaan cidda beddeshay Ciise (waxay I xasuusinaysaa iyadoon “aqoon la hubo loo lahayn”).

    • Qisooyinka beddelitaanka dhammaantood la iskuma waafaqsana; faahfaahintoodu way kala geddisantahay, waxaanay u muuqataa in aan mufasiriintu isku waafaqsanayn xaqiiqooyinka dhabta ah ee qisadan.

    • Qarniyadii hore ee Islaamku waxa aad mooddaa in uu aad uuga aamusayo arrintan, xitaa axaadiista Imaam Bukhaari iyo Imaam Muslim waxay ka aamusayaan arrinta Kuqodbitaanka iskutallaabta.

    • Muslimiinta qaarkood waxay rumaysanyihiin in Ciise iskutallaabta lagu qodbay laakiinse wuxuu ka badbaaday dhimashadii waxaanu Eebbe isaga kor uugu qaaday samada. Waxa sidan oo kale qaba Aragtida Miyir-Beelka.

    • Muslimiinta qaarkood waxa ay aaminsanyihiin in Ciise gebi ahaanba aan iskutallaabta lagu qodbin, balse uu dhintay dhimasho dabiici ah, waxaana dhintay qof kale oon isaga ahayn.

    • Muslimka kuwo ka mid ahi waxay rumaysanyihiin in aanu jirin qof gaara oo iskutallaabta lagu qodbay, ha ahaado Ciise iyo koobiggiisa toona ee, waxayna rumaysanyihiin in qisadan ay mardanbe Yuhuuddu samaysteen.

    • Culimadii hore ee Islaamka iyo kuwa hadda joogaaba waxa ay ku qaybsanyihiin arrintan. Maantadan la joogana ma jirto aragti arrintan khusaysa oo ay ku midaysanyihiin Umadda Alle.

Gunaanadka

Waxa labo-wejiilanimo ah in Yuhuudda iyo Masiixiyiinta lagu eedeeyo iyagoon male mooyee wax kale aan haynin, taas cilmo saxa looma laha gaar ahaan marka aan caddayn rasmi ah lasoo bandhigin. In aan lasoo bandhigin caddaymo muuqda oo ku saabsan wixii dhab ahaan u dhacay waxa ay u muuqataa caqli-darro, iyada oo taasina Muslimiinta ku kallifaysa in ay samaystaan fikirradooda iyo fasiraaddooda u gaarka ah ee ku saabsan wixii dhacay. Intaas oo dhan waxa dheer oo is-burinaysa in koox dad ah lagu eedeeyo inay ku suganyihiin male iyada oo Ummaddaadu ay isla sidan oo kale samaynayso!