Ilaaha Kitaabka Quduuska ahi ma Allaah baa?

Maqaal uu qof ku qoray Islamic newsgroup ayaa waxa ka mid ahaa:

…Waxa muuqata marka la eego sida ay aayaduhu (ku sugan Qur’aanka) u qaabaysanyihiin in Ilaaha isu muujinaya nebi Muxammad uu iskasoo qaadayo isagoo ah Ilaahii isu muujiyay nebiyada kale. Sidaas darteed, waxa xaqiiqo ah, in Allaha Qur’aanka Kariimka ahi uu yahay isla Ilaaha Axdiga Hore iyo Axdiga Cusub.

Dabcan, imika haddaad labada nas midkood kasoo qaado been, markaas waxa jira laba ilaah oo kala duwan oo la sheegayo, midi waa been, midna waa run. Laakiin nas ahaan, Qur’aanka Kariimka ahi wuxuu si toosa uula xidhiidhaa (marka la eego caddaymaha tilmaamaya dadka iyo dhacdooyinka) Axdiga Hore iyo Axdiga Cusub.

Xitaa haddii Qur’aanku aanu ka ahaanin xagga Ilaah waxba maan fisheen.

Si aan sababta u caddeeyo aan idin siiyo tusaale.

Kasoo qaad inaad akhriday labo waraysi oo lala yeeshay qof muhiim ah (madaxweynaha Maraykanka ama qofka aad kasoo qaadi kartoba) oo lagu qoray labo wargeys oo kala duwan.

Markaad akhriday labadii wargeys waxaad aragtay iyagoo sheegaya waxyaalo iska hor imanaya waxaanad dabeeto ka yaabtay haddii labadaas warbixinood ay dhab ahaantii ka yimaaddeen isku meel qudha. Laakiin labaduba waxa ay kuu sheegayaan inay Aqalka Cad ku waraysteen madaxweynaha oo tanina ay tahay wixii uu madaxweynuhu iyaga u sheegay. Labadooda oo markaas la wada qaataa wax macno ah samayn maayaan.

Waxa aad samaysay baadhitaan oo kaddibna ogaatay in midkood uu waraysi la yeeshay madaxweynaha. Laakiin wariyaha kale waxa loo diiday inuu waraysi qaado. Sabobo jira awgood (cadaadis xagga wargayska ah: wareysigan qor haddii kale shaqadaa lagaa eryi ama sabab kaloo macquul ahba) wuxuu u baahanyahay waraysigan, dabeetana wuxuu ku fikiray inuu wareysi sameeyo maadaama oo uu haysto macluumaad ku filan oo ku saabsan madaxweynaha.

Laakiinse arrintaas iyada ah waa inuu run u ekaysiiyo, sidaas darteedna wuxuu wareysigii u ekaysiiyay mid run ah. Madaxweynuhu wuxuu wax ka sheegi doonaa waxyaaluhuu hore uugu guulaystay, waraysiyadiisii hore halkaasoo uu ku sheegay inuu ballanqaadyadiisii hore dhawray, iwm. Wuxuu ka dhigay sidii wareysi runa inuu yahay.

Waxa wareysiga loo sameeyay si xirfadaysan, waxaana laga yaabaa in aan laga shakiyeen haddaanu jirin wareysiga dhabta ahi oo labadabana waxa xitaa la odhan karayaa run maaha.

Waxa muuqata, in labada wareysi kan runta ah iyo ka beenta ahiba ay wax ka qorayaan isla hal shakhsi oo ah madaxweynaha. Farqiga u dhexeeyaana maaha mawduuca ama isha xogta wareysigu ka timid, laakiinse waxa weeyi iyadoo midkood uu oggolaansho ka haysto madaxweynaha halka kan kalana aanu ka haysanin.

Haddaba, waxa run ah in Qur’aanku uu ka hadlayo isla Ilaaha Baybalka. Run ahaantiina waxa dhibaato weyn qaadanaysa iyadoo Ilaahaas lala xidhiidhiyo waxa uu yidhi hadduu muujin bixiyay. Hubaashii, labada kitaaba waxa ay ka hadlayaan isku hal Ilaah laakiinse su’aashu waxa weeyi hadday labaduba isku hal meel kasoo jeedaan. Ilaaha labaduba ay ka hadlayaani ma waxa run ah inay labadooduba xaggiisa kasoo jeedaan?

Qur’aanka iyo Kitaabka Quduuska ahiba waxyaalbo badan ayay ka simanyihiin, waana sida wariyahaas loo diiday inuu wareysiga qaado oo weraysi u gaara ku saleeyay xogo hore, baadhitaan wanaagsanoo uu sameeyay, ama xitaa waxa guud ahaan wanaagsan ee laga yaabo inuu u ekaado wareysi dhab ah. Laakiinse waxyaalahaasi kama dhigayaan wareysi dhab ah.

Qur’aanku wuxuu ka hadlayaa waa Ilaah. Muslimiintuna waxa ay caabudaan Ilaaha Khaaliqa ah. Su’aashu maaha haddii Muslimiinta iyo Masiixiyiintu haystaan Ilaah isku mid ah (markasta waxa jira Ilaah khaaliqa oo qudha), laakiinse waxa weeyi haddii kitaabadoodu ay ka yimaaddeen isla Ilaahan ay sheeganayaan. Shaki la’aan: Qur’aanku wuxuu ka hadlayaa wax ku saabsan Ilaah, laakiin xagga Ilaah miyuu ka ahaaday?

Mawduucu waa isku mid, laakiinse meesha ay ka yimaaddeeni ma isku midbaa? Waxyaabaha iska hor imanaya een xalka lahayni waxa ay diidayaan arrintaas.

Imika, wariyaha xitaa laguma sheegi karo beenaale. Aan sheekada xoogaa u beddelo mid u socota xagga aan umalaynayo sida ay xaaladdu ahayd.

Aan kasoo qaadno in wariyuhu uu rabay inuu madaxweynaha wareysto, laakiin wuxuu la kulmay qof sheeganaya inuu madaxweynaha af-hayeenkiisa yahay. Waxa uu yidhi, “Madaxweynaha hadda lama heli karo, laakiinse waxaan awood u leeyahay inaan ku siiyo warbixinta aad rabto”.

Haddaba, wariyeheennu wuxuu ku qanacsanyahay inaan gurigii kula laabanin gacmo madhan waxaanu waraysanayaa af-hayeenka oo aad u raba inuu bixiyo warbixin badan iyadoon xitaa laba su’aalin.

Wariyihii wuxuu si daacadnimo leh uugu qancay inuu maqlay codka madaxweynaha. Dhibku waxa weeyi, sida mardanbe la ogaan doono, qofkaas sheeganayay af-hayeenka madaxweynuhu waxa uu ahaa mid khiyaanoole ah. Wixii wariyuhu qoray oo dhanna isaga ayaa samaystay.

Wariyuhu wuxuu ahaa daacad, laakiin xogta meeshuu ka helay waxay ahayd been. Markalena waxa muuqata, iyadoo xogtu been ahayd laakiinse la xiiseeyay oo loo qaatay run iyo inay tahay mid sax ah. Haddii uu sheegan lahaa wax aan macquul ahaynna si dhakhso ah ayaa loo ogaan lahaa.

Su’aasha muhiimka ahi waxa weeyi:

Qur’aanku ma wuxuu ka yimid xagga Ilaah?

Ama waxa kaloo u dhiganta:

Muxammed ma waxa weeyi nebi uu soo diray Ilaah kelida ah ee runta ahi?

Inkastoo aan maqaalkan kusoo dhiraan dhirriyay su’aasha ah “Haddaanu xagga Ilaah ka ahaanay, xageebuu ka yimid?” maaha tani su’aal aan anigu xiisaynayo. Haddaan idhaahdo kamuu iman xagga Ilaah, waxa aan inyar ka danaynayaa sida uu ku yimid. Warbixin dadyow kala duwan ka timid? Muxammad wuxuu caqligiisa ka keenay? Saamayn jinni? Saddexaas oo isku jira? Waxa kaloo jira waxyaalo kale? Dhammaan waxaasi haddaba muhiim maaha. Haddii aanu ka imanin xagga Ilaah, ma rumaysni mana danaynayo meesha kale ee uu ka yimid iyo waxa uu yahay toona.

Ujeeddada qoraalkani wuxuu ahaa in la caddeeyo iyadoo Ilaaha Qur’aanka iyo kan Kitaabka Quduuska ahi ay noqon karaan isku mid iyagoo sida muuqatana isku mid ah, sidaasoo ay tahay waxa run noqon karta in midkood uu yahay waxyi runa halka ka kalena aanu run ka ahayn.

Muslimiintu sidoo kale iyaguna isla su’aashan oo kale ayay iska weydiinayaan Kitaabka Quduuska ah. Islaamku waxa uu rumaysanyahay in Baybalka maanta jiraa aanu ahayn sidiisii hore (waa sida beddelitaanku yahay). Muslimiin badani waxay xitaa rumaysanyihiin in kitaabo badan oo ka mida Kitaabka Quduuska ahi aanay markii hore ka mid ahayn. Markaa eedeyntiinu waxa weeeyi isla sida aan kor kusoo sharraxay oo kale. Waxaad aqbalaysaa in Kitaabka Quduuska ahi uu ka hadlay isla Ilaaha uu Qur’aanku ka hadlayo, laakiinse Ilaahaasi sida Muslimku aaminsanyahay, Baybalku xaggiisa kama imaanin sidaas darteedna waxa uu ka yimid meel kale.

Waxa aan filayaa in akhrista Muslimka ahi aanu si xun u arki doonin maadaama oo Masiixiyiintu ay Qur’aanka ka aaminsanyihiin isla fikirka ay Muslimiintu ka aaminsanyihiin Kitaabka Quduuska ah. Xaqiiqo ahaantii, ma jiro ikhtiyaar kale. Xitaa haddii aynaan hadiyo goor si cad uuga hadlin arrintan, waxa ka dhalayaa wuxuunbuu noqonayaa: haddaanu xagga Ilaah ka iman, waxa weeyi khiyaano xerfadaysan oo waxa ay ka timid meel kale. Si daacada marka loo hadlo, meesha ay waxaasi ka yimaaddeeni waa dhinac kale, waxaana dhici karta in aanay la xidhiidhin sida ay tahay.

Marka loo soo noqdo su’aasha mawduucani ku saabsanyahay: waxaan rumaysanahay in kuwa yidhaahda Qur’aanka iyo Kitaabka Quduuska ahi waxay ka hadlaan Ilaah kala duwan, waxa ay ku wareeraan “mawduuca” iyo “asalka farriinta” ama “mawduuca” iyo “waxay farriintu koobsanayso”. Maxaa yeelay waxa ay farriintu koobsanaysaayi waxa la odhan karaa waa fahan gaara oo laga haysto Ilaah. Si marka loo eegana waxa la odhan karaa waa “Ilaah kale”.

Marka ay maqlaan Ilaah sida loo tilmaamay Masiixiyiinta iyo Muslimiintuba, qaar waxa ay sheegaan iyadoo laga hadlayo jiritaan kala duwan taasina waa mid la fahmi karo. Kuwo kalena waxay ay sheegaan inay isku mid yihiin (maxaa yeelay waxa jira Ilaah keliya oo khaaliq ah) laakiin maadaama oo kala duwanaansho jiro midkood ayaa warbixiin beena haysta. Ugu yaraan xoogaa warbixina oo been ah inkastoo badankeedu isku mid yahay oo ay tahay warbixin run ah.

Haddaan idhaahdo “gurigan rinjigiisu waa casaan” oo mid kalena yidhaahdo “gurigan rinjigiisu waa cagaar” markaa waxa jira labo arrimood oo suurto gal ah: waa inaan ka hadlayno labo guri oo kala duwan (labo ilaah oo kala duwan) ama dabcan waxaan ka hadlaynaa guri isku mid ah (ilaah) laakiin labadayada midkood ayaa bixinaya warbixin qaldan.

Laakiin maadaama oo waxa aan Ilaah ka ogsoonahay ooo dhammi inuugu imanayo warbixin afka ama qoraal ah, haddii warbixintaasi kala gedisantahay, fahanka Ilaah aan ka haysanaayi wuu kala duwanaanayaa. Ilaah waxaynu u caabudaynaa si waafaqsan fahankeenna. Fahanka kala duwanina waxa uu ka dhiganyahay ilaahyo kala duwan. Haddaan wax ka maqlo ama wax ka akhriyo guri casaan ah malahaygu wuxuu I siinayaa guri gaduud ah. Haddaan guri cagaaran maqlo ama wax ku saabsan akhriyona waa sidaas oo kale. Haddaba macluumaadka kala duwan een Ilaah ka haysanaayi waxa ay maankeenna uugu jirtaa iyadoo ah ilaahyo kala duwan oo Ilaahna waxaan u caabudaynaa si waafaqsan ilaaha aynu wax ka naqaanno. Marka sidaas loo eegona ilaahyadeennu way kala gedisanyihiin. (macnaha sidaas ah marka ay tahay, Ilaah sida ay u haystaan Muslimka iyo sida ay Masiixiyiintu u haystaani wuu kala duwanyahay maadaama oo koox waliba fahan gaar ah ka haysato Ilaah).

Waxaan filayaa in fikiradahanai ay kuwo idinka mida ka caawiyeen inay horumarinta fikirradooda ku saabsan su’aashan muhiimka ah.

Tallaabada xigtaa haddaba waxa weeyi in loo kuur galo labada “wareysi” ama “muujinood” si loo ogaado in labaduba ay isku meel keliya ka yimaaddeen ama haddii ay jirayn cadaymo tusinaya in midkood aanu ka ahaanay xagga Ilaah runta ah balse uu sheeganayo inuu xaggiisa ka yimid.

Mawduucyadan soo socdaa waxay kaa caawin karaan raadinta runta:

Allah: Is He God? (Allaah: Ma Ilaahbaa?)

Who is God? (Ilaah waa Kuma?)

Tusaale kale ayaa isna wuxuu si fiican u muujin karayaa siyaabaha kala duwan ee dadku u arkaan su’aashan iyada ah. Waxaad ka fikirtaa farshaxano muujinaya muuqaalka qof keliya. Sawirayaasha qaarkood waxa ay sawirayaan xaqiiqada qofka iyo faahfaahin kastoo isaga ku saabsan, mid kalena isna waxa weeyi qof shakhsi ahaan u yaqaanna oo xidhiidh la leh qofka la sawirayo, sidaas darteedna marka uu sawirayo qofkaas uu yaqaano ama saaxiibkiis ah wuxuu adeegsanayaa aqoonta uu isaga u leeyahay isagoo markaasna muujinaya xaqiiqada gudaha qofkaas oon ahayn oo keliya muuqaalkiisa dibadda. Farshaxan saddexaadna waxa weeyi mid aan gebi ahaanba wax aqoona u lahayn qofka la sawirayo sidaas darteedna waxa laga yaabaa inuu muuqaalka ku muujiyo dareenkiisa shakhsi ahaaneed oon ahayn waxa qofkaas run ahaantii yahay.

Kitaabka Quduuska ahi wuxuu Ciise uuga hadlayaa isagoo kan inoo muujinaya muuqaalka tooska ah ee Ilaah:

Kii i arkay wuxuu arkay Aabbaha. (Yooxanaa14:9)

Isagu wuxuu lahaa suuradda Ilaah, oo inuu Ilaah la mid ahaado kuma uu tirin in taasu tahay boobis, .., oo wuxuu noqday mid dad u eg,. (Filiboy 2:6-7)

sagu waa suuraddii Ilaaha aan la arki karin, ..(Kolosay 1:15)

Oo isagu waa dhalaalka ammaantiisa iyo u-ekaanta ahaantiisa, ... (Cibraaniyada 1:3)

Kitaabada Baybalku haddaba waa kuwo ka hadlaya suuradda Ilaah, tan Ciise, ta nebiyada, .. waxaana diyaariyay qof saaxiibkiis ama cid uu garanayo suurad ka bixinaya. Waxyaabaha ku sugan sidoo kale iyana waxa hoggaamiyay Ruuxa Quduuska ah oo Ilaah oo bixinaya muuqaal saxa ah oo ku saabsan cidda uu ka hadlayo. Tusaale ahaan muuqaalka Ciise Masiix waxaan ka dhex arkaynaa Injiilka laakiinse muuqaalkaasi maaha kiisa daahirka ee muuqanaya.

Waxaan dareemayaa in Qur’aanku uu yahay muuqaalka Ilaah oo uu muujiyay farshaxan ah, qof aan si xaqiiqo ah u aqoonin Ilaah laakiinse Ilaah kasoo qaadaya muuqaalka uu isagu u malaynayo inuu Ilaah ka dhiganyahay. Maadaama oo falsafadda aadanaha iyo sida ay wax u sababeeyaani dhinacyo badan ka simantahay, dad badani waxay muuqaalkaas ay haystaan ku saleeyaan fikirka ay Ilaah ka aaminsanyihiin. Laakiinse taasi kama dhigna inay run tahay. Waxay ka dhignaan doontaayoo qudha in dad badani si iskumida ay fikir uuga haystaan Ilaah iyagoo markaasna jecel inay isla sidaas u arkaan.

Waxa dhici karta in farshaxankaasu uu arkay muuqaal gaboobay oo laga sawiray qof iyadoo sawirkaasna uu dhaawac ama burbur meelo badan kasoo gaadhay, maadaama oo farshaxankaasu uu xoogaa fikira oo dhaba sawirkaas ka haystana, waxa ay tahay inuu sawirkaas dhammaystiro isgoo adeegsanaya maankiisa.

Si taas la mida, Muxamed muu awoodi karaynin inuu shakhsi ahaantiisa u akhriyo qorniinkii hore, laakiinse wuxuu Yuduudda iyo Masiixiyiinta ka maqlay xoogaa qisooyin fiican ah. Sidaas darteed wuxuu maanka ku hayay muuqaal dhab ah, dabeetana wuxuu adeegsaday caqligiisa si uu u dhammaystiro qaybaha kale ee aanu helin karin markaas. Waxyaabahan sheegaya wixii la maqlay kuwo badan oo ka mid ahi waa dhab, laakiinse farqiga asaasiga ahi wuxuu ka imanayaa iyadoo, sida qorayaasha Baybalka oo kale, aanu qofkaasi xidhiidh iyo aqoon dhab ah uula lahayn Ilaah.

Marka aynu ka fikirno sida wax ama qof u eegyahay (tusaale ahaan marka la akhrinayo buug khiyaali ah oon sawiro lahayn) muuqaalka aan ka haysanaayi wuxuu noqonayaa mid ku salaysnaan kara nolosheenna iyo khibraddeenna isagoo markaasna ay aad u kala duwanaan karaan fikirrada dadka akhrinaya isla buuggaas, gaar ahaan muuqaalka uu qoraaga buuggu maanka ku hayay markuu qorayay aad ayuu uuga duwanyahay kan dadku ka haystaan. Buugaagta taariikhaha iyo xusuus qorrada ayaa sida khiyaaligaas oo kale ka dhigan.

Marka ay sidan tahay, inkastoo farshaxanka aan ku kor kusoo xusnay uu isku dayayo inuu muujiyo xaqiiqada qofka ee dhabta ah, maadaama oo uu sawirkan bixinayo isagoon qofkaas aqoon u lahayn, muuqaalkiisaas uu bixinayaayi wuxuu ku salaysnaanaya fikirkiisa iyo bii’ada ku hareeraysan ee uu ku koray isagoo u arkaya inuu qofkaasi uu sidaas yahay.

Waxaan u malaynayaa inuu tusaalahani yahay ka ku habboon in la fahmo halka uu taaganyahay Dr. Morey iyo kuwo kale oo qoray sida buugaagta “Allah the Moon god” (Dayaxa ilaaha ah ee Allaah). Bulshadii Muxammad ku dhex noolaa waxa ay ka raadiyaan waxyaalaha tusin karaya muuqaalka ay Ilaah ka haysteen, dabeetana (iyadoon aqoon dhaba loo lahayn) waxay sheegaan inay kuwani ahaayeen halka uu Muxammad ka keenay aqoontiisa ku saabsan Ilaah. Marka la eego taariikhda Carabta iyo sanam caabudistooda wakhtigii Muxammad, sida macquulka noqon karta, Muxammad wuxuu rumaysnaa in ilaahyada badani aanay run wada noqon karin, laakiin isagoo isku dayaya inuu meesha ka saaro ilaahyada yaryar ee hoose Muxammad wuxuu keenaya muuqaalka ah hal Ilaah oo keliya oo uu wax ka ogaaday isla markaasna uu ku daray fahanka uu ka haystay ilaahyada ay dadkiisu caabudi jireen, gaar ahaan kii uugu sarreeyay sanamyadan oo ahaa ilaaha dayaxa ah. Dr. Morey wuxuu u arkaa in Muxammad uu qaadanayo ilaaha uugu sarreeya oo uu ka dhigayo kan midka ah halka uu kuwa kalee hooseeyana ka burburinay. Laakiinse wuxuu dhawrayaa kuwo ka mida dabeecadaha sanamkan sanamyada uugu sarreeya.

Waan fahmi karaa qaabkan laakiin waxaan filayaa inaanu u fiicnayn doodda lagula jiro Islaamka. Waxa muuqata in taasu aanay ahayn waxa Muslimiintu rumaysantahay. Laakiin isaga laftiisu muu odhanin Muslimku sidaasay aaminsanyihiin. Wuxuu ku doodayaa in middani ay tahay asalka ay wax ka yimaaddeen laakiinse Muslimiintu aanay qirsanayn.

Dabcan, Muslimku isla sidaas ayay sameeyaan, marka ay ka hadlayaan halka ay ka yimaaddeen caqiidooyinka ay ka midka yihiin “jidh-sooqaadashada”, Ciise oo ah “Wiilka Ilaah”, “Saddexmidnimada” iwm, waxaanay sheegaan in waxyaalahaas oo dhan laga keenay fikir jaahili ah markii kaniisaddu ay ku dhex faaftay dadka aan Yuhuudda ahayn. Muslimiintu waxay Masiixiyiinta ku eedeeyaan oo ku xukumaan inay fikirradaas jaahiliga ah qaateen oo dhaqan geliyeen, taasna waxa la mida sida Dr. Morey iyo kuwo kaleba ay Muxammad uugu xukumaan inuu dhaqankii Carabta ee dayax caabudista ku saleeyay wacdintiisa ku fadhida tawxiidka.

Inta aan ka fikirayo inaanu qaabkani u fiicnayn doodda iyo niqaashka, waxaa igu adkaata inaan arko sida Muslimiintu xaq uugu leeyihiin inay cadhoodaan iyagoo marka ay ka hadlayaan fikirka Masiixiyiintu ka qabaan Ilaah isla sidan oo kale yeela.

Waxyaalaha kor ku xusani waa fahankayga Masiixiga ah marka la eegayo xaaladdan iyada ah. Waxa laga yaabaa in Mulimku ay qaataan tusaalayntan oo ay yidhaahdaan, Muxammad waxba muu sawirin laakiinse wuxuu metelaayay muuqaalka asalka ah ee samaawiga ah.

Waxa dhici karta markaas, inaan aqlabo sida Qur’aankuba sheegayo in taasi tahay muuqaal dhab ah, laakiinse waxaan odhan karnaa waa sawir sidaas la sheegayo dhab ah balse ugu horreyntaba muuqaalkaasi maaha mid xaqiiqo ku salaysan.

Hubaashiii muuqaal gacanta lagu minguuriyay oo ka dhigan sawirka dhabta ahi wuxuu runta uuga dhowyahay sawir sax ah oo lagsoo minguuriyay muuqaal aan xaqiiqi ahayn. Waxa la tusin karaa in Qur’aanka iyo Kitaabka Quduuska ahi ay nasaskoodu kala duwanyiihiin, labada dhinacbana si buuxda uuma wada dhawrsana, hase yeeshee labadaba si aad u fiican ayaa loo dhowray waxaynuna ku kalsoonaan karnaa naska maanta horteenna yaallaayi uu yahay mid la mida ka asalka ah ee ku sugan qoraal gacmeedyada.

Dhowritaakaasi runta waxba kama sheegayo, waxaana jira buugaag ama kitaabo waxa ku qorani been yahay oo si fiican loo dhowray. Sidoo kale iyadoo la ogaado in Kitaabka Quduuska ah iyo Qur’aankaba si fiican loo ilaaliyayi, waxa ay dib inoogu hoggaaminaysaa su’aasha uugu muhiimsan oo ah:

Sideed ku ogaan kartaa in kitaabka aad aaminsantahayi (Qur’aanka ama Kitaabka Quduuska ah) uu xagga Ilaah ka yimid isla markaana tusinayo muuqaalkda dhabta ah?